Bayern Munich ayaa tilmaamtay inay Man Utd ku dooneyso 20 milyan euro Raphael Varane

Xiddiga diirada u saaran Liverpool Piero Hincapie  tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso

Waxaa dheer Anthony Martial, Claudio Echeverri, Kalvin Phillips, Joao Neves, Antoine Griezmann & kuwo kale


Chelsea ayaa kaliya ogolan doonta in kabtankeeda Reece James ay ka iibiso Real Madrid hadii ay ku badalato Federico Valverde.

Arsenal ayaa aad ula dhacsan daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich Matthijs de Ligt laakiin waxa ay qadarinayaan in heshiisku ay adagtahay in la bur buriyo bisha January.


Bayern ayaa diyaar u ah inay kaga iibsato Manchester United  Raphael Varane aduun dhan €20m (£17m)


Xabi Alonso oo hore u jeclaa kooxdaLiverpool, haddana ah maamulahahogaamiyayaasha Bundesliga ee Bayer Leverkusen, ayaa meesha ka saaray inuu Piero Hincapie ka iibinayo kooxdisi hore.



Manchester City ayaa heshiis 25 milyan euro ah oo u dhiganta 20 milyan ginni kula heshiisay kooxda River Plate Claudio Echeverri, waxayna saxiixiisa ku garaacday Real Madrid iyo Barcelona.


Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial, kaas oo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ayaa xiiso ka helaya hogaamiyayaasha Serie A ee Inter.


Conor Gallagher ayaa laga yaabaa inuu ka mid noqdo shan ciyaartoy oo Chelsea ah oo la tusay albaabka ay ka baxayaan suuqa January.

Tottenham ayaa u sheegtay Eric Dier,Pierre-Emile Hojbjerg iyo goolhayaha la iloobay ee Hugo Lloris inay xor u yihiin inay ka tagaan kooxda bisha Janaayo.


By kulan sports