Real Madrid ayaa xaqiijisay in tababare Carlo Ancelotti uu saxiixay heshiis cusub oo dhacaya 2026











Ancelotti ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ah tababaraha Madrid

Xulka qaranka Brazil ayaa si fagaare ah uga daba tagay Talyaanigii

Kooxda Madrid ayaa ku riixday Ancelotti inuu sii joogo

Real Madrid ayaa xaqiijisay in tababare Carlo Ancelotti uu saxiixay heshiis cusub oo dhacaya 2026.


Tababaraha reer Talyaani ayaa si cad u bartilmaamsadeen xulka qaranka Brazil, iyadoo saraakiisha sarsare aanay qarsanin rabitaankooda ah inay Ancelotti kaxeeyaan marka uu qandaraaskii hore ee Madrid dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Shabakada 90- minute ayaa fahansan in Ancelotti uu heshiis horudhac ah ka gaaray inuu maamulo Brazil hadii Madrid ay diido inay cusbooneysiiso qandaraaskiisa, laakiin kooxda reer Spain ayaa haatan sariirta gelisay hubanti la’aanta iyagoo ku xiray tababaraha heshiis cusub.


“Real Madrid  iyo Carlo Ancelotti waxay ku heshiiyeen inay qandaraaska u kordhiyaan tababaraheena ilaa June 30, 2026,” 


“Shantii xilli ciyaareed ee uu tababaraha u ahaa Real Madrid, waxa uu ku guuleystay 10 koob: 2 Champions League, 2 Club World Cups, 2 European Super Cups, 1 League, 2 Copas del Rey iyo 1 Spanish Super Cup.


Carlo Ancelotti waa macalinka kaliya ee ku guuleestay 4 koob oo yurub ah waana macalinka guulaha ugu badan ka gaaray taariikhda tartankaan (118), sidoo kale waa macalinkii ugu horeeyay ee ku guuleesta shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub (Italy, England, France, Germany iyo Spain).


Ancelotti ayaa si weyn ula dhacsan qolka labiska 

Ancelotti ayaa ku majaajilooday wararka mustaqbalkiisa bishii hore isla shirkiisa jaraa’id ee uu si cad ugu sheegay tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso inuu yahay badalka suurtogalka ah ee Santiago Bernabeu.

Saraakiisha Madrid ayaa sidoo kale ka shaqeynayay liis horudhac ah oo ah bartilmaameedyada suurtagalka ah haddii Ancelotti uu baxo, iyadoo madaxa Castilla Raul iyo Brighton & Hove Albion Roberto De Zerbi labadaba la tixgeliyey, laakiin kooxda ciyaarta hadda waxay caddeeyeen inay rabaan inay sii wadaan la shaqeynta Ancelotti.

Madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa weli taageere weyn u ah xirfadaha maamul ee Ancelotti, iyadoo isbedelo la taaban karo lagu sameeyay kooxda ciyaarta 2024, go’aanka waxaa la gaaray in heshiiska loo kordhiyo Ancelotti.