Kylian Mbappe ayaa ka jawaabay dhaleeceyntii uu dhawaan Luis Enrique u soo jeediyay qaab ciyaareedkiisa, isagoo ku adkeystay in tababaraha uusan wax dhibaato ah kala kulmi doonin inuu horay u sii socdo.Weeraryahanka ayaa ku faraxsanaa inuu maqlo dhaleeceynta maamulihiisa

Real Madrid ayaa wali rajo ka qabta saxiixa Mbappe xagaaga soo socda

Maamulaha cusub ee Paris Saint-Germain ayaa si la yaab leh su’aal u geliyay heerka qaab ciyaareedka Mbappe ka dib markii uu weeraryahanku golal cajiib ah ka dhaliyay kooxda Reims.


Shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Enrique ayaa su’aal galiyay shaqada kooxeed ee Mbappe, wuxuuna yiri: “Runtii kuma faraxsani Kylian Mbappe maanta, ma jiro wax aan ka sheego goolasha. Laakin si ka duwan ayuu kooxda u caawin karaa Marka hore waan kala hadli doonaa isaga, Kylian waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, laakiin waxaan u baahanahay wax badan, waxaan dooneynaa inuu sameeyo wax badan.”


Mbappe ayaa hadda ka jawaabay hadalka Enrique, isagoo saxaafadda u sheegay isagoo gudanaya waajibaadkiisa caalamiga ah inuu ku faraxsan yahay inuu maqlo tababarihiisa oo leh heerar sare.


"Waa inaad weydiisaa isaga waqtiga [dhaleeceyntiisa]," Mbappe ayaa yiri. “Si fiican ayaan u qaatay, waa tababare weyn, wax badana wuu i baraa, laga bilaabo maalinta koowaad, waxaan u sheegay inuusan wax dhibaato ah iga qabin.