Havertz oo cadaadis xoogan saaran yahay ayaa ku guuleystay ciyaarta iyadoo Arsenal ay 1-0 ku garaacday Brentford ciyaar ka dhacday GTech Community Stadium.

Gunners ayaa hogaanka u haysa kala saraynta horyaalka Premier league iyada oo ka horaysa kooxaha Manchester City iyo Liverpool

Goolkii Havertz uu dhaliyay kaliya goolkiisii labaad ee Arsenal ka dib markii uu £65m uga soo dhaqaaqay Chelsea


Laacibka khadka dhexe ee Jarmalka oo la qabsaday door ka duwan kii ay Chelsea ku weydiisay xilli ciyaareedkii hore, ayaa koray kursiga keydka isagoo dhaliyay gool aad muhiim u ah daqiiqaddii 89-aad ee ciyaarta GTech Community Stadium – Goolkaas oo Arsenal ka dhigay hoggaanka sare ee horyaalka. Shaxda Premier League waxaa ka horeeya Manchester City iyo Liverpool.


Goolku waxa uu ahaa goolkii labaad ee Havertz ee Arsenal ka dib markii uu xagaagii ku soo wareegay 65 milyan oo ginni iyo goolkiisii ugu horeeyay ee uu ku ciyaaro furan – goolkiisii hore waxa uu ahaa rigoore kulankii ay guusha ku gaadhay Bournemouth.


Havertz ayaa la kulmay dhaleeceyn ku aadan qaab ciyaareedkiisa, iyadoo dad badan ay su’aal ka keeneen go’aanka Arsenal ay ku qarashgareysay 24-jirkaan lacag badan, wuxuuna u sheegay TNT Sports inuu ku faraxsan yahay inuu dib u bixiyo iimaankii ay u muujiyeen saaxiibadiis iyo taageerayaasha kooxda.


"Maanta waxaan helay [goolkii] waana soo celiyay, kaliya waan ku faraxsanahay inaan u helay kooxda," Havertz ayaa yidhi. “Waxay ahayd gool cajiib ah iyo baas cajiib ah sidoo kale, waxaan filayaa in aanu sidan u tababarno koox ahaan in badan, Bukayo Saka iyo Martin Odegaard waxa ay jecel yihiin in ay kubbadahaas ciyaaraan.


"Waa shaqo adag, wax nafteeda ah ma jiraan, waana inaad shaqeysaa oo aad rumaysataa, waxaan isku dayay inaan dhinac iska dhigo kooxdeyda, kooxda ayaana ah waxa muhiimka ah."


"Aad ayaan ugu mahadcelinayaa nimankan," ayuu yiri isagoo ka hadlayay taageerayaasha Arsenal. “Way adagtahay marka saxiix cusub uu yimaado waxayna ku siinayaan lacag badan, kaliya waan ka mahadcelinayaa inay i garab taagan yihiin”.


By kulan sports