Kooxaha Yurub ayaa heegan ku jira iyadoo Mike Maignan wadahadalkiisu uu istaagay

Florentino Perez ayaa diidey dalabka Real Madrid ee ku aadan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara

Warar dheeraad ah oo ku saabsan Khefren Thuram, David de Gea, Alejandro Balde iyo qaar kaloo badan


Raphael Varane waxaa ka go'an inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa Manchester United, inkastoo uu hoos u dhigay Erik ten Hag, waxaana si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.



Wadahadalada qandaraaska ee Milan ay kula jirto goolhaye Mike Maignan ayaa gaabis ku yimid bilihii ugu dambeeyay, iyadoo Chelsea, Manchester United, Bayern Munich iyo PSG ay dhamaantood isha ku hayaan xaaladiisa hadii uu diyaar noqdo.


Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diiday dalabkii ay kooxdu ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Granada ee Bryan Zaragoza.


Rajadii Barcelona ee saxiixa Giovani Lo Celso ayaa sii yaraanaysa iyadoo Tottenham ay ka cago jiidayso inay amaah ku fasaxdo, ciyaaryahanka khadka dhexena waa inuu isku dayo inuu ku qasbo inuu baxo haddii Janaayo u dhaqaaqo.



Liverpool iyo Juventus ku hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Nice Khephren Thuram xilli kooxda Serie A ka dhisan ay ku dhibtoonayso in ay la timaado xidhmo lacageed oo la aqbali karo.


Taa baddalkeeda, Juventus ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay amaah kula soo wareegto Kalvin Phillips oo ay kaga soo qaadatay Manchester City.


By kulan sports