Kylian Mbappe ayaa guusha caanka ah ee Champions Leaque- ka ga hor istagay kooxda Newcastle kadib markii uu rigoore muran badan dhaliyay daqiiqadii 8-aad ee waqtigii dhimashada wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah Paris St Germain oo ka dhacday garoonka Parc des Princes.











 Daafaca Tino Livramento ayaa si adag  karoos uu soo dhigay Ousmane Dembele si uu ugu ogolaado Superstar-ka France inuu ugu dambeyntii ku garaaco gool haye Nick Pope habeen ay wiilasha Eddie Howe ay yimaadeen ilbiriqsiyo gudahood guusha taasoo ka dhigi laheyd inay si fiican ugu soo baxaan Group-kooda ugu dambeeya. F waxay ku wajahayaan AC Milan garoonka St James Park.


Waxa ay hogaanka ciyaarta ku hayeen Alexander Isak daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta waxana ay u muuqdeen kuwo ka badbaaday weerarka qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo Pope uu ka badbaadiyay Mbappe, Dembele iyo Bradley Barcola oo badal ku soo galay, laakiin waxa ay dib ugu laabteen Tyneside iyaga oo la yaaban waxa dhici kara kadib bar-baraha ayaa ilaashada rajadooda meel 16 ee la soo dhaafay nool, laakiin kaliya oo kaliya.


Guusha ay ka gaareen Talyaaniga iyo guuldaradii PSG ka soo gaartay Borussia Dortmund oo mar hore soo baxday ayaa riyadii rumowday, balse masiirkooda ayaa haatan ka baxay gacantooda.


Taasi waa ku adag tahay kooxda Howe ee dhaawaca ah, kuwaas oo u soo jeestay qaab ciyaareedka dhabta ah ee Paris Bruno Guimaraes Livramento, Pope, Miguel Almiron iyo - markii ay ciyaartu noqotay mid sii kordheysa - Anthony Gordon oo si gaar ah u iftiimiyay



By kulan sports