Guardiola ayaa amaanay dareenka dagaalka ee Man City kadib barbarihii ay la galeen kooxda Chelsea

City ayaa laga dhaliyay rigoore daqiiqadii 94-aad si ay labo dhibcood ugu lumiso garoonka Stamford Bridge

Natiijadan ayaa ka dhigeysa in City ay hal dhibic oo kaliya ku hayaan hogaanka horyaalka Premier League Pep Guardiola ayaa ku adkeystay in Manchester City ay barbaro 4-4 ah kula gashay Chelsea garoonka Stamford Bridge inay cadeyn u tahay in kooxdiisu aysan "jilicsaneyn" ka dib markii ay seddexleey ku guuleysteen.


City iyo Chelsea ayaa wada ciyaaray kulan aad u heer sareeya oo Premier League ah Axadii, iyadoo kooxda Guardiola ay hogaanka ku qabatay galbeedka London seddex jeer, kaliya waxaa daqiiqadii 94aad rigoore u dhaliyay ciyaaryahankii hore ee Cole Palmer.

By. Kulan sports