Atalanta ayaa dooneysa inay lacag kaash ah ku hesho Teun Koopmeiners dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin TEAMtalk ayaa daaha ka qaaday in Newcastle aysan u badneyn inay mudnaanta siiso u dhaqaaqista isaga.Warar kala duwan oo ka soo baxaya Italy ayaa sheegaya in xiddiga Seria A uu bartilmaameed u noqon doono Eddie Howe xilli tababaraha Newcastle uu isha ku hayo horumaro badan oo uu ku sameeyo kooxdiisa.

Si kastaba ha noqotee, TEAMtalk waxay si gaar ah daaha uga qaaday in 25-jirka khadka dhexe aan hadda loo tixgelin inuu yahay bartilmaameedka ugu horreeya ee Magpies.


Newcastle waxaa dhawaan gilgilay ganaaxa sharadka ee Sandro Tonali, taasoo la micno ah inuu maqnaan karo ilaa xilli ciyaareedka soo socda.


In heshiis lala gaaro Atalanta xagaaga soo socda ayaa sidoo kale noqon karta mid macquul ah, maadaama Koopmeiners ay diyaar u tahay ku dhawaad £55m.

Xitaa iyadoo Tonali uu noqon doono ciyaaryahan muhim ah mustaqbalka fog, Newcastle ayaa weli dooneysa inay kooxdeeda ku soo biirto mid kale oo tayo leh.


Koopmeiners ayaa si joogto ah wacdaro uga dhigayay Serie A tan iyo markii uu Atalanta uga soo wareegay AZ Alkmaar bishii Agoosto 2021.


Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa waxaa isha ku haya kooxaha Premier League oo ay ku jirto Arsenal, halka Napoli ay isku dayday inay kula soo wareegto 43 milyan ginni xagaagii hore.


By kulan sports